Latest News

QM Waxa Kasoo Baxay 20 Qaraar Oo Ku Saabsan Budhcad-Badeeda Walise Ma Jiro Mid Xakamaynaya Burburinta Deegaanka Badda

Haatufonline July 12,2023- Sida la ogsoonyahay manfac badan oo badda laga helo ayaa waxa jiritaankiisu ku xidhanyahay fayow-dawrka deegaanka ay biyaha baddu ku fadhiyaan. Hadii seh waxyeelo loo gaysto bi’addi Ilaahay ku dhex abuuray biyaha badda waxa taas ka dhalanaya oo laga dhaxlaya khayraadkii badda oo waqtiba waqtiga uu ka dambeeyo sii yaraada oo aakhirkana cidhib go’a.

Bal ka warran hadii subax lasoo toosay kaluunba laga waayo Djibouti amma la arko xeebtii Dooraale oo ay wada qarisay saliid kusoo caaridday oo mid ka mid ah tankerada shidaalka qaadaa ay saliidaasi badweynta dhexdeeda kaga qubatay ama uu isaguba ku daadiyey? Waa suurtogal inay sidaasi dhacdo hadii aan caalamku waliba dalalka Afrika ee xeebta lehi sida Djibouti aanay iska kaashan sidii loo joojin lahaa tacadiga lagu hayo bedqabka deegaanka ay ku fadhiyaan biyahooda baddu. Kol hadii caalamki uu budhcad-badeenimadi u aqoosaday fal-dambiyeed khatar galinaya nabadgelyada marinada badaha ee dunida (international maritime security) oo ay Qarmada Midowday 20 qaraar kasoo saareen amuurtaasi ,waan in sidaasoo kale uu caalamku u arkaa oo shuruuc xaaraantimaynaysa u sameeyaa kulumaysiga sharcidarada ah iyo falalka lagu waxyeelaynayo deegaanka ay nolosha baddu ku tiirsantahayba.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*