Latest News

Qorshe Khatar Ah Iyo Raggi Fulintiisa Xamar Uga Yimid Oo Hargeysa Lagu Qabtay

Hargeysa,August 10,2022(Haatufonline)-Dhawr iyo toban nin oo Xamar diyaarad kasoo raacay ayaa magaalada Hargeysa lagu qabtay kadib markii uu Sirdoonka Somaliland fashiliyey qorshihii ay u socdeen oo ahaa inay laayaan qaar ka mid ah dadka mudaaharaadaya iyo madaxda bilayska Somaliland marka u socdo banaan baxa ay mucaaridku ku baaqeen inuu qabsoomo maalinta Khamiista ee bari.

Nimankan oo la sheegay inay ku tababaranyihiin qoryaha diiradda leh ayaa bilaysku xalay xili ay ahayd waa ku dhawaadki ku qab qabteen gurigi ay ku jireen ka dib markii ay warbixin ka heleen hayadda Sirdoonka Somaliland oo dabasocotay qorshaha nimakan.

Connect with us on Facebook