Latest News

Wasiirka Daakhiliga Oo Sheegay In Banaanbaxa Lagu Qaban Karo Oo Kaliya Xarumaha Xisbiyada Ee Cayiman

Hargeysa,August 10,2022( Haatufonline)-Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin ayaa shir jaraayid oo u goordhaweyd qabtay ku sheegay in labada xisbi mucaarid ay mudaaharaadkii u qorshaysna inu bari dhaco ay ku qabsan karaan oo kaliya xarumahooda ay wasaaraddu u cayntay oo hadii lagu qabto meelo ka baxsan xafiisyadooda ay noqon doonto sharci darro oo masuuliyadeeda lagala xisaabtami doono madaxda labada xisbi.

Mr Kaahin waxa uu faray ciidamada amaanka inay si fiican ula dhaqmaan dadka isugu soo baxa goobihii loo cayimay balse ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan ciddi nidaamka ku xadgudubta ee baanbax ka dhigta meel ka baxasan goobihii mudaaharaadka loo cayimay.

Kaahin waxa kale oo uu sheegay in murashaxa madaxweynaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro ku gacan saydhay is-afgarad ay wada gaadheen waqti hore oo maanta ah guddoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe oo ahaa in mudaaharaadku ka dhaco goobo cayiman oo ka mid ah xarumaha ay labada xisbi ku leeyihiin 6 da gobol-doorasho.

Connect with us on Facebook