Latest News

Qorshe Laga Soo Maleegay VSomalia Oo Madaarka Muqdisho Lagu Qaban Lahaa Madaxweynaha Jubaland Oo Fashilmay

Muqdisho,February 22,2021(Haatufonline)-Qorshe laga soo maleegay madaxtooyada Somalia oo la doonayey in ciidanka sirdoonka Somalia ay madaarka Muqdisho ku qabtaan jeelkana u taxaabaan madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa fashilmay ka dib markii safarkii Axmed Madoobe wax iska badaleen.

Madaxweynaha Jubaland oo la filayey inuu soo gaadho magaalada Xamar si uu uga qaybgalo shir ay halkaas ku yeelan lahaayeen madaxweyneyaasha shanta maamul goboleed ee #Somalia iyo madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmajo,hasayeeshee Axmed Madoobe iyo madaxweynaha Puntland Deni ayaa labadooduba ka baaqday shirkii loo balansanaa arimo la xidhiidho nabadgelyadooda awgeed siday sheegeen.Wali ma cadda in Axmed Madoobe ka war helay qorshahii lagu qaban lahaa iyo in isaga iyo Deni ay safarkoodi hakad galiyeen kadib markii ay ciidamada dawladu rasaas la dhaceen mudaaharaad silmi ah oo Jimcihi dhaweyd ka dhacay magaalada muqdisho.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*