Latest News

Qoyska Ikraan Tahliil Oo Maxkamada Ciidama U Gudbiyey Dacwad Ka Dhan Fahad Yaasiin, Cabdilaahi Kulane Iyo Yaasiin Farey

Muqdisho, September 8, 2021 (Haatufonline – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa qabatay dacwad ka dhan ah agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, ku xigeenkiisii hore C/llaahi Kulane iyo Yaasiin Farey Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir.

Dacwadan oo ay xeer ilaaliyaha maxkamadda u gudbisay Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil, ayaa lagu eedeeyay masuuliyiinta in ay ka dambeeyaan kiiska  gabadhooda Ikraan Tahliil Faarax.
Qoyska waxay xeer ilaaliyaha ka codsadeen in saddexda masuul loo gudbiyo maxkamadda awoodda u leh kiiskaan islamarkaana baaris qoto dheer lagu sameeyo kiiska afduubka gabadhooda.
Si kastaba ahaatee, madaxweyne Farmaajo ayaa 18ka bishan september isugu yeeraya guddiga amniga qaranka, iyadoo agaasimihii hore ee NISA
Looga dhegaysan doono kiiska Ikraan Tahliil.
Kiiska Ikraan Tahliil ayaa khilaaf xooggan ka dhex abuuray madaxda ugu sarreysa dowladda, kadib markii raysal wasaaruhu arrintaas awgeed uu shaqadii kaga joojiyay agaasimihii NISA.

Connect with us on Facebook