Latest News

Taliye Cusub Oo Farmaajo Soo Magacaabay Oo Khilaaf Hor Leh Ka Abuuray Somalia Iyo Fahad Yaasiin Oo NISA Wareejiyey

Muqdisho, September 8, 2021 (Haatufonline – Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Somalia ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa xilka ku wareejiyay taliyaha cusub ee Ku-meel-gaadhka ah ee NISA, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Farey).

Warkaan ayaa lagu sheegay qoraal rasmi ah oo lagu faafiyay barta twitterka NISA, saacaddo kadib markii madaxweyne Farmaajo uu soo saaray wareegtada lagu magacaabay saraakiisha ciidanka qeybtood.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay goor dambe Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Farey), oo ahaa taliyihii nabad sugida gobolka Banaadir u magacaabay taliyaha kumeel gaarka ah ee NISA.ad badan ayaa u arka tallaabada madaxweynuhu uu qaaday mid looga hortagayo in taliyaha NISA ee uu magacaabay raysal wasaare Rooble sareeyo guud, Bashiir goobe uu xilka la wareego.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa isna qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay inuu walaacsan yahay talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax.

Connect with us on Facebook