Latest News

Raysal Wasaaraha Somalia Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirkii Arimaha Dibada Mid Cusubna Magacaabay

Muqdisho, November 19, 2020 (Haatufonline) – Raysal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble Ayaa Xilkii Ka Qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad Isaga Oo Xilkan U Magacaabay Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Wasiirka Wasaarrada Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe Ayaa Goor Dhaw Shaaciyay Warkan Balse Wasiirku Ma Uusan Bixin Faah Faahin Intaa Dhaafsiisan.

Xil Ka Qaadistaan Ayaa Waxay Wararku Sheegayaan Inay Salka Ku Hayso Aragti Kala Duwanaansho La Xiriirta Dagaalaka Ka Socoda Dalka Itoobiya.

Wasiir Dubbe Ayaa Sidoo Kale Sheegay In Wareegto Ka Soo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo U Magacaabay Safiir Axmed Ciise Cawad.

Dhinaca kale qoraal Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada uu soo dhigay Twitter-ka ayuu ganafka ku dhuftay xilka Safiirnimo ee loo magacaabay, waxaanu sheegay inaanu qaban doonin xilka safiirnimo ee loo magacaabay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*