Latest News

Sababaha Dhabta Ah Ee Ay Somaliland U Joojisay Wada-Shaqaynti BBC Somali

Hargeysa,July 19,2022(Haatufonline)-Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa subaxnimadi maanta ku dhawaaqay inay joojiyeen dhamaan wada shaqaynti u dhaxaysay wasaaraddiisa iyo BBCSomali ( Idaacadda Laanta Afka Soomaaliga ee BBC).Wasiirku wuxu ku eedeeyey bbc somaali inay ku xadgudbeen sharafti iyo qarannimadi Somaliland laakiinse wax faahfaahin ah kamu bixinin arintaasi.

 

Hadaba Ilo xog ogaal ah oo ku dhaw dhaw wasaaradda Warfaafinta ayaa waxay __Haatufonline__u sheegeen in sababaha dhabta ah ee dawladda Somaliland ku kalifay inay gaadho go’aankan culus ay ka midyihiin sadex qodob oo kala ah bbc somali oo kasoo jawaabi wayday cabashooyin taxane ah oo ay wasaaraddu kaga ashkatoonaysay wararka iyo faalooyinka ay bbc somali ka faafiso Somaliland oo ay ku tilmaameen qaar had iyo jeer aan dhexdhexaad ahayn oo dhinac u xaglinaya ama been abuur ahba waxna yeelaya nabadgelyada Somaliland sumcad dilna ku ah.

 

Qodobka labaad ee fajaca iyo amakaagga ku riday xukuumadda Somaliland waxa uu ahaa waraysigii ay Laantu la yeelatay Sheekh Aadan Sunne iyadoo og in dhawr jeer oo hore Hargeysa loogu xidhay arimo la xidhiidha argagixisonimo oo waliba ay waraysigaasi qaadeen ka dib markii uu Aadan Sunne ka fakaday hayadaha amaanka ee Somaliland ee u u gaadhay xarunta Alshabaab ee Jilib taasoo waxyeelaysay baadhitaanadii socday isla markaana qiil iyo dhiirigalin u samaysay xagjirnimada diiniga ah.

 

Qodobka sadexaad ee gabogabeeyey dulqaadki xukuumadda waxa uu ku tacaluqsanyahay labada weriye ee Xasan Cali Geele iyo Khadar Maxamed oo todobaadba Hargeysa u joogay diyaarinta barnaamijyo ku saabsan xuska sanadguurada 75 aad ee aasaskii BBC Somali oo ku beenayd 18 July, ayey BBC-du ku amaratay inay shalay kasoo baxaan magaalada Hargeysa sababo la xidhiidha nabadgelyadooda darteed. Waxa kale oo madaarka Jomo Kenyatta isla shaly dib looga celiyey sadex wariye oo kale oo shaqo la xidhiidha xuska u iman lahaa Hargeysa iyadoo loo sheegay in nabagelyo darro ka jirto Hargeysa.

 

Sida aanu warka ku helnay Laanta Afka Soomaaliga ay dhawaan soo ogaysiisay wasaaradda Warfaafinta Somaliland inay rabto inay Hargeysa usoo dirto 5 wariye oo ka qaybgalaya soo saarida iyo tabinta barnaamijka xuska bbc somali waxaanay wasaaradda ka codsatay inay hawlahooda u fududeeyaan taasoo wasaaraddu ka aqbashay labadi wariye ee u horeeyeyna ay shaqadoodu si fiican ugu socotay markii loosoo sheegay inay degdeg usoo baxaan .

Connect with us on Facebook