Latest News

Ciidanka Danab Oo Hawlgal Ku Dilay 5 Xubnood Oo Al-Shabaab Ka Tirsan, Kuwo Kalena Nolosha Ku Qabtay

Lebikuus, July 18, 2022 (Haatufonline) – Hawlgal ay fuliyeen ciidanka Danab ee Soomaaliya ayaa lagu dilay ugu yaraan 5 xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, halka hub iyo xubno kalena gacanta lagu dhigay.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay degaan lagu magacaabo Lebikuus oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya, sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska Danab, kaas oo tolmaamay in ragga la dilay uu ku jiray madixii maaliyadda Al-Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose.

Degaanka Lebikuus ee kooxdaan lagu weeraray oo hoos taga Kismaayo, waxaa Al-Shabaab u taalay bar-control oo gaadiidka ay ku canshuuraan, sidoo kale waxaa deegaankaas la isugu gey jiray xoolaha ay ugu magac dareen Sekawaadka, ee dadka ay ka uruuriyaan.

Sarkaalka Danab ee ka hadlay howlgalkaas wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay ka furteen afar qori oo AK 47 ah iyo hal qori oo BKM ah, sidoo kale howlgalkaan ayuu sheegay inuu qeyb ka yahay guluf kooxda looga saarayo jubooyinka.

Connect with us on Facebook