Latest News

Sababta Dhabta Ah Ee Abiy Axmed Go’aanka Degdega Ah Ugu Gaadhay Inuu Weeraro Gobolka Tigray Oo Loo Nisbaynayo Fashilaad Kasoo Gaadhay Ciidamo Kamaandoos Ah Oo Uu Diray Inay Madaxda Tigray Kusoo Khaarajiyaan Hotel Ku Yaala Mekele Oo Shir Uga Socday

Adisababa,November 8,2020(Haatufonline)-Xoogo oo la healy ayaa iftiiminaýa in sababta uu raiisal wasaaraha Itoobiya go’aanka degdega ah ugu Gaadhay inuu weerar cirka iyo dhulka ahaa ku qaado gobolka Tigray la xidhiidho niyad Jab kaga dhacay hawlgal military oo uu doonayey inuu ku khaarajiyo madaxda gobolka Tigray oo ka fashilmay.

Siday ilo arintan u dhuun daloolaa sheegeen ka hor intii aanu dagaalka qarxin ayaa Abiy Axmed wuxu caasimadda Tigray ee Mekele u diray ciidan komaandoos ah oo saaran laba helikobtar iyo diyaarad xamuul ah si ay usoo khaarajiyaan madaxda gobolka Tigray oo shir uga socday hotel ku yaala magaalada.Inkastoo ciidankii komaandooska ahaa dhibaato la’aan ka dagay madaarkii Mekele oo yoolkoodii egdeg u gaadheen hasayeeshe waxay hotelkii ka waayeey madaxdii Tigrayga ee la filayo inay goobtaas ku sugnaayeen.

Ka dib markii uu hawlgalki fashilmay ciidankii komaandooska ahaa waxay markiiba ka baxeen magaaladii waxaanay dib ugu duuleen meeshii at ka yimaadeen.Dhacdadan oo Mekele laga ogaaday ayaa sida xogahaasi tibaaxeen ku dhalisay Abiy Axmed inuu soo dadajiyo qorshe uu baryahanba damacsanaa inuu awood ciidan ku muquuniyo gobolka Tigray.

Abiy Axmed si uu u dambabaso hawlgalka fashilmay ayaa ka dib markii u dagaalku qarxay ku eedeeyey madaxda gobolka Tigray inay soo celiyeen diyaarad gobolka u sidday lacagtii cusbeyd ee tii hore lagu hadlay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*