Latest News

Khasaare Ka Dhashay Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Jawhar

Jawhar, July 17, 2022 (Haatufonline) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay gudaha magaalada Jowhar, kaasoo loo adeegsaday gaari xamuul ahaa oo laga soo buuxiyay waxyaabaha.
Qaraxa Ismiidaaminta ayaa jugtiisa laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada Jowhar, kaasoo ka dhacay hotel lagu magacaabo Nuur Doob oo ay dagan yihin inta badan wasiiradda iyo Xildhibaanadda maamulka Hirshabeelle.
Masuuliyinta qaraxa ku dhaawacmay ee la xaqiijiyay waxaa ka mid ah wasiirka Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Hirshabeelle Caasho khaliif Xaaji, wasiirka Caafimaadka Hirshabeelle Cabdi Macalin, guddoomiye ku xigeenkii hore Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise iyo Xildhibaan hore oo lagu magacaabo jeego, waxaana dhaawacyadooda la geeyey Isbitaalka guud ee Magaalada Jowhar.
Qaraxa Ismiidaamnta ah ayaa sidoo kale burburiyay dhamaan dhismaha hotelka lagu weeraray iyo qaar ka mid ah guryaha ka agdhawaa hotelka qaraxa uu ka dhacay oo ay dagan yihiin dad shacab ah.
Afhayeenka Madaxtooyada Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Cirro oo war kooban siiyay Telefashinka Qaranka ayaa sheegay in qaraxa uu geystay khasaare ku kooban dhaawacyo iyo burbur dhismayaal oo aysan jirin cid ku dhimatay qaraxa Maanta ka dhacay Jowhar.
“Dhaawacyo fudud ayaa soo gaaray masuuliyin ka tirsan Hirshabeelle oo ku sugnaa hotelka qaraxa lagu weeraray, waxaana ka mid ah wasiirada Caafomaadka iyo Haweenka ee maamlka Hirshabeelle, mana jirto wax dhimasho ah oo qaraxa ka dhashay, tirada dhaawacyada wali lama tira koobin, waxuuna ahaa qaraxa Maanta dhacay kii ugu weyna ee abid ka dhaca Jowhar” ayuu yri afhayeenka madaxtooyada Hirshabeelle.
Wuxuu intaasi ku daray afhayeenka Hirshabeelle in baaritaano dhab ah lagu sameyn doono sababta keentay qarax sidaan oo kale ah inuu ka dhaco gudaha magaalada Jowhar.

Connect with us on Facebook