Latest News

Sheekh Aadan Siiro Oo Aas Qaran Loogu Sameeyey Hargeysa

Hargeysa, July 17, 2022 (Haatufonline) – Alle ha u naxariistee Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) ayaa maanta Aas qaran loogu sameeyey magaalada Hargeysa.

Diyaaradii siday maydka Sheekh Aadan ayaa garoonka Hargrysa ka soo degtay 11:00 duhurnimo, waxaanu sheekubku geeriyooday dalka India oo xaalad caafimaad uu u tahay.

Aaska Sheekhan caanka ah oo ka dhacay xabaalaha Baqiic ayaa waxa ka soo qaybgalay boqolaal dadweyne ah oo isugu jiray qaybaha bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi  ayaa isaguna ka qayb-galay Aas Qaran ee loo sameeyey Marxuum Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo lagu aasay Xabaalaha Baqiic ee Hargeysa.

Dhinaca kale wadahadaladii xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka oo maanta loo balansanaa ayaa dib u dhacay, aaska Sheekha awgii.

Connect with us on Facebook