Latest News

Safiirka Midowga Yurub Oo Ganafka Ku Dhuftay Heshiiska Farmaajo La Galay Cabdirashiid Janan

Muqdisho, March 25, 2021 (Haatufonline) – Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga, ayaa heshiiska dowladda Soomaaliya ay la gashay Cabdirashiid Janan ku tilmaamay mid waxyeelo ku ah dhibbanayaashii ku waxyeeloobay iyo kuwii ku barakacay colaadihii uu qeybta ka ahaaa.

Nicolas Berlanga oo bartiisa Twitterka soo dhigay qoraal kooban oo aragtidiisa ka turjumayay ayaa sheegay in kiiska Janan uu dhaawac ku yahay in la helo nabad iyo cadaalad bulsho oo sharcigu u siman yahay qof walba.
“Waxaan hubaa kuwa ku fikiraya guulaha muddada gaaban inaysan iloobi doonin bulsho u baahan tiirar adag si mustaqbalka loo dhiso,” ayuu hadalkiisa ku sheegay.
Agaasime ku xigeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka falcelinayay hadalka Nicolas Berlanda, ayaa sheegay in safiirku heli karay marino diblumaasiyadeed oo ku haboon tabashooyinka nuucaan oo kale ah, si uu helo aragtiyo qiimo leh.
Dhinaca kale hay’adda udoodda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa dalbatay in baaris lagu sameeyo tacadiyadda lala xiriiranayo Janan ee ka dhacay Gedo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*