Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Oo Khudbad Ka Jeediyey Qasriga Madaxtooyada Israa’iil
Haatufonline — June 16, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa khudbad ka jeediyey Qasriga Madaxtooyada Israa’iil, kaddib soo dhawayn taariikhi ah oo dalkaasi loogu sameeyey isaga iyo weftigiisa.
Madaxweyne Cirro ayaa khudbaddiisa uugu mahadnaqay Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, dawladda Israa’iil iyo shacabka Israa’iil, soo dhawaynta diirran iyo maamuuska sare ee lagu qaabilay weftigiisa.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in booqashadani ka tarjumayso qaddarinta iyo ixtiraamka ka dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil, isla markaana ay dhidibbada u aasayso marxalad cusub oo ku salaysan saaxiibtinimo, iskaashi iyo dano-wadaag.
Madaxweyne Cirro waxa uu xaqiijiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay si buuxda uga go’an tahay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga ay la leedahay dawladda Israa’iil, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarka, dhaqaalaha, tiknoolajiyadda iyo kobcinta is-dhaafsiga khibradaha iyo fursadaha labada dhinacba anfacaya.
Leave a comment