Latest News

Sahamiye Foundation Oo Qaybiyey 2,000 Booyadood Oo Biyo Ah Oo Ay Ku Baxday $316,724.

Hargeysa, April 22, 2022 (Haatufonline) – Sahamiye Foundation ayaa soo gabogabeeyey biyo dhaamin uu ka aday deegaamada Somaliland ee ay abaartu ka jirto.

Waxaana qaybiyey 2,000 Booyadood oo biyo ah oo ay ku baxday lacag dhan $316,724.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Sahamiye Foundation, kaas oo u dhignaa sidan:

“Waxaanu soo gabogabaynay biyo dhaamintii uu waday Sahamiye Foundation. Waxanu qaybinay 2,000 oo booyadood oo ay ku baxday $316,724.

Sahamiye Foundation oo la shaqeynaya guddiyada abaaraha ayaa toos u qaybiyey biyaha. Link-ga hoose ayaad ka heli karaysaa dhammaan tuulooyinka iyo degmooyinka aannu biyaha gaadhsiinay.

Sida shaxda ku cad meelaha booyadda biyaha qiimaheedu ahaa laba boqol oo doolar ama wax ka badan waxay kala yihiin Bali Mataan, Sabawanaag, Oodweyne iyo Caynabo. Tuulooyinka deegamadan hoos taga ayaa in badani aanay lahayn ceelal biyood oo u dhow.

Waxaynu u baahan nahay qorshe aynu kaga baxno gurmadka abaaraha ee sannad walba taagan. Sida dad badani sheegeen lacagtii ku baxday 15-kii kun ee booyadood ee dadkeennu ku deeqeen sannadkan waxay innoo qodi lahayd ceelal iyo dhaamam la gaadhsiiyo deegaamada biyo la’aantu ka jirto.

Connect with us on Facebook