Latest News

Baadhista Heshiiska Shirkadda Shidaalka Coastline Iyo Fadeexadda Kagasoo Fool Leh Khayre Iyo Farmaajo

Muqdisho,April 22 2022(Haatufonline)- Hayadaha dawladda ee Xeer Ilaalinta iyo Hanti Dhawrka ayaa waxay baadhitaan ku bilaabeen heshiiski shidaal baadhista ee ay wasaaradda Batroolka iyo Macdantu la galeen shirkadda Maraykanka ah ee Coastline Exploration horaanti bishii February 2022.
Isla maanta oo Khamiis ah ayaa Xeer Ilaaliyaha Guud Saleebaan Maxamed Maxamuud uu warqad yeedhis ah u diray wasiirka Batroolka iyo Macdanta Cabdirashiid Maxamed Axmed si wax looga weydiiyo heshiiskan oo la tuhunsanyahay in Shirkadda Coastline ay ku bixisay lacago laaluush ah oo ay siisay masuuliin sar sare oo ka tirsan madaxda  Somalia si loogu saxeexo heshiiska shidaal baadhista iyo qodista.
Inkastoo Wasiir Cabdulrashiid laftiisu u hore u sheegay in shirkaddu ay bixisay lacag gaadhaysa 7 milyan oo doolar oo uu la ogaa Farmaajo hadana waxa soo ifbaxaya xogo dheeraad ah oo sheegaya in lacagaha la kala qaatay ay intaas ka badanaayeen isla markaana uu raiisalwasaarihi hore ee Xasan Cali Khayre uu shirkadda Coastline gadhwadeen ka ahaa.
Hadaba baadhitaankan ayaa kusoo beegmay iyadoo labada siyaasi ee Xasan Cali Khayre iyo Farmaajo ay labaduba hunguriyeynayaan inay kusoo baxaan doorashada madaxtinimada dalka Somalia,waxaana aan shaki ku jirin in dhawrka maalmood ee soo socda labadaas nin ay fadeexado masuqmaasuq kaga soo bixi doonaan baadhitaanka heshiiskii lala galay shirkadda Coastline Exploration ee Turkiga lagu soo saxeexay.

Connect with us on Facebook