Latest News

Saraakiil Ciidan Oo Alshabaab Lagaga Dilay Duqayn Cirka Ah Gobolada Hiiraan & S/Dhexe

Muqdisho,October 25,2022(Haatufonline)-Saraakil sare oo ka tirsan hogaamiyeyaasha ciidanka kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ka dib markii lala beegsaday duqayn cirka ah. Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Somalia Al-Cadaala ayaa xaqiijiyey in qaar ka mid ah saraakiishaasi lagu laayey deegaanka Masaajid Guduud ee ku yaala Shabeellada Dhexe halkaas oo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ay dagaalo ba’anu ku dhexmarayeen ciidamada Macawislayda oo ay taakulaynayaan ciidamada dawladdu iyo dagaalyahanada Alshabaab. Alcadaala waxa kale oo u sheegay in xubno tiro badan oo ciidanka lugta ah (infantry) oo argagixisada ka mid ah lagu dilay dagaaladaasi.

Dhinaca kale warbixin uu maanta soo saaray taliska ciidamada Maraykanka u Qaabilsan Afrika ayaa waxa lagu sheegay in duqayn cirka oo ay ka fuliyeen aagga Buulo Burde ay ku dhinteen xubno ka tirsan Alshabaab.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*