Latest News

Maleeshiyada Macawislayda Oo Kusii Siqaysa Dhinaca Aadan Yabaal

Buulo-Burde,October 27,2022(Haatufonline)-Maleeshiyada Macawislayda ee beesha Xawaadle ayaa ku guulaysatay inay kooxda Ashabaab ka saarto deegaano cusub oo hoosyimaadda degmooyinka Maxaas iyo Jalalaqsi. Ciidamada Macawislayda ayaa sheegay in deegaanada cusub ee ay gacanta ku dhigeen ay ku dhawyihiin xadka u dhexeeya gobolka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo ay hadda masaafad 15 km ah u jiraan Aadan Yabaal halkaas oo kooxda Alshabaab ku leeyihin saldhigga ugu weyn ee ku yaala Hirshabeelle.

Sida la ogsoonyahay wuxu qorshuhu ahaa in ciidan beeleedka Abgaal dhinaca hoose kasoo dhirbaaxaan ciidamada Shabaabka ee ku sugan Shabeellada Dhexe oo ay Abgaalku soo gaadhaan Aadan Yabaal si ay gacmaha isu qabsadaan Macawislayda Xawaadle. Laakiin taasi may dhicin khilaaf beesha Abgaal dhexdeeda ah awgeed.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*