Latest News

Shaqaalaha Dekeda Berbera Oo Tababar Kadib Shahaadooyin La Gudoonsiiyey

Berbera, (Haatuf) – Shaqaalaha Dekeda Berbera Ee Somaliland ayaa markii ugu horaysay loo soo xidhay tabobar iyo aqoon-korodhsi u socday muddo sanaad iyo badh ah, waxaana munaasibad balaadhan lagu gudoonsiiyey shahaadooyin ay ku mutaysteen heererka aqoontooda iyo cilmigii la soo baray.

Munaasibada xaflada abaal-marinta shaqaalaha Dekeda Berbera, gaar ahaan faraca Badda, ayaa ka dhacday Huteel Maansoor ee Magaalada Berbera, waxana kasoo qaybgalgalay maamulka gobolka Saaxil, ka degmada Berbera, Siyaasiyiin, ganacsato iyo marti-sharaf tiro badan, kuwasoo si mug iyo miisaan leh ula dhacay xirfada iyo aqoonta ka muuqata shaqaalaha tabobarka loo soo xidhay.

Ugu horeyn Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa faahfaahin ka bixiyey marxaladihii uu soo maray tabobarka ay u fidiyeen shaqaalaha Dekeda Berbera, gaar ahaan faraca bada, waxanu sheegay inay qaban karaan shaqaalaha la tabobaray, oo lagu aaminayo shaqo ajanebi qaban-jiray, Maareeyaha oo faahfaahinaya aqoonta lasoo baray hawladeenadan tirada badan waxa uu yidhi. “In Shaqaalaha lagu sameeyo aqoon-korodhsi, tayo ahaana kor loo qaado, si ay ula jaan-qaadan shaqaalaha caalamiga ah, waxanu ku dedaalnay sannad iyo badhkii ugu danbeeyey tabobarno tayeyno, shaqaalihii dekeda ka shaqaynayey, gaar ahaan qaybtii faraca badda oo ah halbowlaha ugu mihiimsan ee ay dekedi leedahay, soona xidha maraakiibta, isla markaana fura.

Shaqaalahaas waxa lagu tabobaray sidii ay isu-badbaadin lahaayeen, kana badbaadin laahyeen wixii mahlako ah ee k a dhaca Badda aynu masuulka ka nahay. Sidaas daraadeed waxaan Maanta ku kalsoonahay %200, inay hanan karaan, dhamaan agabka uu qarankani leeyahay ee waxna lagu xidho waxna lagu furo”. Ayuu yidhi Maareeyaha Guud ee Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi.

Geesta kale, waxa isna halkaa ka hadlay Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), kaasoo sheegay in tabobarada la siiyo shaqaalaha dawlada uu yahay hanti qaran, isla markaana dhaxalkeeda ay u aayaan umadda dalku. Siyaasi Cali Guray oo arimaha ka hadlaya waxa uu yidhi, Waxaan aadbaan u hambalyeynayaa dhalinyarada tabotabarada soo qaadatay iyo Maareeye Siciid, waxan idin rajaynayaa inaad wax badan kusoo kordhiseen, soona kordhin doontaa mustaqbalka dalka iyo dadka “.

Waxa kaloo halka ka hadlay Mudane Kayd Cabdilahi Xandule oo kamid ah, Guddida Boodhka Free-zoneka Dekeda, waxanu ku dheeraaday aayatiinka laga dhaxli doono aqoon-korodhsiga lagu sameeyey Shaqaalaha Dekeda Berbera, gaar ahaan qaybta faraca Dekeda Berbera. Waxanu tilmaamay in meel fog uu ku socdo qaranka Somaliland, waxanu shaaca ka qaaday in Dekeda Berber aka guurtay localnimadii, isla markaana u guurtay mid Caalamiya, isaggoo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi. Waxaynu halkan ku daawanay Filim qiimo badan, waxanay muujinaysaa, halka aynu u socono, iyo halkaynu ka nimi,iyo weliba halkaynu marayno, waxa Maanta Cadaatay in Dekeda Berberi ka guurtay localnimadii, isla markaana u guurtay mid caalamiya, (InternationalPort). ” ayuu yidhi Mudane Kayd Cabdilahi Xandule.

Sidoo kale, waxa isna halkaa ka hadlay Maayirka Magaalada Berbera Md. Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), oo si weyn ugu mahad-celiyey Maareeyaha Guud ee Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, oo u ka markhaati kacay horumarka balaadhan ee u gaadhsiiyey Dekeda Caalamiga ah ee Berbera, Maayir Cidin oo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi, “Waxaan aad ugu mahad-celinayaa Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, isbedelka uu gaadhsiiyey Dekeda, ee uu muujiyey, in shaqaalaha Dekedaha Somaliland uu dhiso tayada aqoontooda, oo u sheego, isla markaana dhiiri-geliyo, waxaan leeyahay Maareeye waad tahay, wax wanaagsan baad u qabatay qaranka”.

Waxa kaloo isna halkaa ka hadlay Badhasaabka Gobolka Saaxil, Eng Axmed Cismaan Xasan, waxanu sheegay Maanta in qaranka Somaliland haysto Bayloodo, iyo Rag kaafiyaya baahiyihii ay Dekedi u baahnayd oo wada muwaadiniin reer Somaliland ah, oo aqoontaa uu baray Maamulkeena Dekedu waa guul usoo hoyatay Somaliland. Aad iyo aadbaan usoo dhowaynayaa ugu hambalyeynayaa aqoonta aad barateen waxaan rajaynayaa inaad noqotaan kuwii ugu adeega dalkooda iyo dadkooda”, ayuu yidhi badhasaabka gobolka Saaxil.

Waxa kaloo isna halkaa ka hadlay Xoghayaha dawlada hoose ee Berbera Md. Cabdikariin Aadan Cadde, oo goobta ka hadlay ayaa ka markhaati kacay horumarka uu Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi gaadhsiiyey Dekeda Berbera iyo weliba aqoon-korodhsiga shaqaalaha dekeda Berbera loo soo gabo-gabeeyey. Xoghayaha oo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi, “Guulaha Bini-aadamku soo hooyo, waxa hormuudka ah oo soo hooya shaqsi, Maanta hadii la gartay in la dhiiri-geliyo shaqaalihii dekeda Berbera oo aad tabobartaan, oo aad weliba abaalmarisaan shaqaalaha dekeda Somaliland kuwii ugu mudnaa aadbaan idinku boggaadinaynaa”.

Qaar kamid ah ganacsatada dalka ee wax kala soo degta Dekeda weyn ee Magaalada Berbera, ayaa sheegay in Maanta ay Dekedu heer gaadh, isaggoo tilmaamay heerka hawl socodsiinta Dekedu gaadhay in alaabada beri iman doonta ee ay sii cashuuran, iyagoo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi. ” Heerka Dekedu Maanta marayso waxanu ku guuleysanay in alaabada markabka beri imanaya aanu sii cashuurano, waayo saacado gudahoodbaa lagu rogga, isla markaana waanu la baxnaa isla markaaba, waxa kastamarka ku xidhan Dekeda Berbera maanta hellaa, adeeg kastoo ay helaan cida wax kala soo degta Deked caalamiya”.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*