Latest News

Shaqo’laanta Dhaliyarada Iyo Rajada Ceelka Shidaalka Toosan1

Hargeysa,May 7,2023( Haatufonline)-Waxa markii ugu horaysay Somaliland laga hirgalin doonaa qodista ceel lag baadhayò shidaal iyadoo
Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Somaliland ay baryahanba ku gudo jirtay barnaamij lagu wacyigalinayo dadka ku nool tuulooyin ku teedsan deegaanka laga baadhayo shidaalka oo ku yaala gobolada Togdheer iyo Saraar.
Khubaradii ku shaqada laha ka-sahaminta shidaalka deegaanada Togdheer iyo Saraar oo ka socday shirkadda Genel ayaa rajo fiican ka muujiyey in shidaal ganacsi gali kara laga heli doono dhulkaasi.
Daloolinta ceelkii ugu horeeyey oo loogu magac daray Toosan 1 ayaa waxa iska kaashanaya xkuumadda Somaliland,Taiwan oo maalgalinta qodistiisa bixinaysa,iyo Genel ,waxaana aan shaki ku jirin in hadii mashruucan lagu guulaysto ay faaiidooyin muhiim ahi uga soo bixi doonaan bulshada Somaliland gaar ahaan dhilnyarada shaqola’aantu haysato.
Dadweynaha Somaliland ku nool ayaa u badan dad ay da’doodu ka hoosayso 37 jir oo badankoodu shaqo la’.
Masuuliinta xukuumadda ayaa aaminsan in waxsoo saar shidaal oo ka hirgala Somaliland uu wax weyn ka tari doono koobaca dhaqaalaha dalka iyo gaar ahaan shaqo abuurka taasoo ay rajanayaan in wax lagaga qabto dhalinyarada shaqola’aantu ragaadisay.
Dhinaca kale waxa tobaadkii hore booqasho ku yimid Somaliland koox ganacsato ah oo reer Taiwan ah si ay u indho indheeyaan fursadaha maalgashi ee dalka ka jira gaar ahaan warshadaynta hilibka kaluunka iyo xoolaha iyo gaadiid lagu sameeyo Somaliland gudaheeda,arimahaas oo hadii ay hirgalaan la rajaynayo inay wax ka qabtaan shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta gaarahaan dhalinyarada dhexdooda.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*