Latest News

Shariif Maxamed Cabdilaahi : Jaasuuska Qadar Ee Cusub Ee Reer Somalia U Dhuuntay

Muqdisho,April 23,2022(Haatufonline)-Dawladda Qadar ayaa waxay dhisaysaa nin reer Koonfur Galbeed ah oo la yidhaahdo Shariif Maxamed Cabdilaahi si uu u noqdo guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Somalia.
Shariifka ayaa waxay Qadar u qoondaysay 3 milyan oo Doolar inuu golaha ka dhex iibsado codad ku filan oo uu ku hantiyo kursiga guddoomiyaha aqalka hoose ee baarlamanka ee golaha dhacabka loo yaqaan.
Lacagtan waxa Shariifka loo soo mariyey safaaradda Qadar ee Nairobi waxaana loogu soo dhiibay wiilka uu sodogga u yahay ee Abubakar Sheekh Bashiir kasoo Xamar keenay maalmihii ina soo dhaafay.

Abubakar Sh Bashiir waa jaasuuska Qadar ee ee qarsoonaa ee Fahad Yaasiin ku xigay waana ninka hadda isku xidhaya Shariifka iyo kooxda Farmaajo.

Shariif M Cabdilaahi oo hada ah ninka noqonaya wakiilka rasmiga ah ee Qadar ku leedahay Somalia ayaa wuxu mudo dheer oo ka bilaabmaysa 1991 ahaa madaxa xafiiska Bisha Cas ee Imaaraadku ku leeyahay Somalia waxana shaqadii laga caydhiyey kadib markii lagu helay inuu lunsaday xoolo gaadhaya malaayiin Doolar iyadoo uu ilaa hadda ka tirsanyahay ururka Al-Islaax.

Connect with us on Facebook