Latest News

Taliyaha Bileyska Somalia Iyo Koox Xildhibaano Ah Oo Ka Badbaaday Qarax Caawa Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho, April 22, 2022 (Haatufonline) – Qarax Ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay Hotel ku yaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ku dhintay 3 qof halka 8 kalena ku dhaawacmeen.

Goobta uu qaraxù ka dhacay ayaa waxa ku sugnaa Taliyaha Ciidamada Booliska Somalia iyo koox xildhibaano ah, kuwaas oo la shergay inay ka badbaadeen qaraxaasi.

Qaxan ayaa ahaa mid Ismiidaamin ah oo uu isku qarxiyey qof naftiisa soo miineeyey, sida uu sheegay Afhayeenka ciiddanka Booliiska, Cabdifataax Aadan Xasan.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan, waxayna sheegeen inay doonayeen inay ku beegsadaan saraakiil iyo siyaasiyiin katirsan dowladda federalka Soomaaliya oo ku sugnaa goobtaasi

Connect with us on Facebook