Latest News

Sheekh Maxamed Bin Zaayid Oo Amray Gargaar Balaadhan Oo Loo Fidinayo Soomaalida Abaaruhu Saameeyeen Iyo Shixnad Maanta Timid Muqdisho.

Muqdisho,February 8,2022(Haatufonline)-Kadib markii u dhaxal Sugaha Abu-Dhabi amar ku bixiyey in dadka Soomaalida ee abaaruhu saameeyeen la gaadhsiiyo gargaar degdeg ah oo balaadhan oo iskugu jira raashin,biyo-dhaamis iyo ceelal qodis ayaa waxa maanta magaalada Muqdisho soo gaadhay diyaarad sidday shixnad mucaawimo ay dawladda Imaaraatka Carabtu usoo dirtay in loo fidiyo dadka ay aabaaruhu sida ba’an ugu habsadeen ee ku nool dalka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warar laga soo xigtay masuuliinta Bisha Cas ee Imaaraatka shixnadda maanta soo gaadhay Muqdisho waxay hordhac u tahay gargaar badan oo diyaaradaha lagu soo daabuli doono si degdeg wax looga qabto baahida aadaminimo ee soo waajahday deegaanada ay aabaaruhu ka jiraan.Waxa kale oo la sheegay in xagga badda iyana lasoo marin doono agab iyo raashinba.

Dawladda Imaaraatka ayaa 7dii bishii hore magaalada Muqdisho keentay shixnad gargaar ah oo markii dambe loo qaybiyey goobaha ay aabaaruhu ka jiraan.Hasayeeshee amarkan cusub ee Sheekh Maxamad Bin Zaayid ayaa yimid kadib markii ay todobaadkii hore magaalada Abu-Dhabi ku kulmeen isaga iyo raiisalwasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble iyadoo uu Rooble dawladda Imaaaatka ka codsaday mucaawimo deg deg ah oo lagu taakuuleeyo dadka abaaruhu ku saameeyeen dalkiisa.

Connect with us on Facebook