Latest News

Sheekh Nuur: Gabadh Yar Oo 2 Jir Ah Oo Mindi Lagu Dilay Iyo Bileyska Oo Gacanta Ku Dhigay Eedaysanaha

Hargeysa, October 9, 2022 (Haatufonline) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay nin dhalinyaro ah oo looga shakisan yahay inuu dilay gabadhyar oo 2 sano jir ah.

Dilkan gabadha yar oo ka dhacay xaafada Sheekh Nuur ee magaalada Hargeysa Jimcihii doraad ayaa dadka xaafadu ay aad uga argagaxeen.

Waxaana warku uu intaasi ku darayaa in ninka lagu eedaynayo inuu dilka gaystay uu Abtibu yagay gabadhayar ee dilkeeda uu u adeegsaday mindi.

Ciidanka Booliska ayaa iyagu sheegay inay eedaysanaha gacanta ay ku dhigeen isagoo doonaya inuu ka baxsado caasimada Hargeysa.

Balse dad jaar la ah ayaa Haatufonline u sheegay in Ninkan dhalinyarada ah uu dhawaan Somaliland dib ugu soo noqday oo uu waxbarasho ugu maqnaa Ethiopia, isla markaana uu Abti u yahay gabadha yar ee 2 sano jirka ah.

“Ciidanka booliska Somaliland ay gacanta ku soo dhigeen Eedeysane Siciid Ismaciil Xassan oo ku eedeysan inuu dilay gabadh yar oo lagu magacaabi jiray Nashaad Sakariye Xassan oo 2 jir ah.

Dilkan ayaa ka dhacay Xaafada Sheekh Nuur ee Magaalada Hargeysa , waxaana eedeysanuhu dilka inantan yar u istacmaalay Midi uu ku gawracay.

Ciidanka Booliska JSL waxay mar walba u mahad-naqayaan Shacabka Somaliland ee xogaha la soo wadaaga”. Sidaasi waxa lagu sheegay qoraan ciidamku booliska Somaliland uu soo dhigay barta Facebook-ga.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*