Latest News

Dagaal U Dhexeeya Ciidamada Somalia Iyo Al-Shabaab Oo Ka Socda Buuloburde

Buuloburde, October 9, 2022 (Haatufonline) Dagaal xoogle oo u dhexeeya ciidamada dowladda Somalia oo kaashanaya maleeshiyooyin deegaanka ah iyo kooxda Al-Shabaab ayaa ka socdo duleedka Buuloburde oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xoogaga Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Jiciboow oo dhinaca koonfur ka xigo magaalada Buuloburde, halkaasi oo lasoo warinaya inay ka socoto rasaas xooggan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa warbaahinta Soomaalia u sheegay in ciidamada dowladda ay si deg-deg ah uga fal-celiyeen weerarka uga yimid Al-Shabaab waxaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Sidoo kale ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, maadaama weli rasaasta laga maqlayo nawaaxiga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Ma jiro sidoo kale wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac, kaas oo ku aadan dagaalka maanta dib uga qarxay halkaasi.

Hiiraan oo uu ka socdo kacdoon shacab oo ka dhan ah ayaa waxaa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo u dhexeeyo ciidamada huwanta iyo sidoo kale Al-Shabaab.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*