Latest News

Sheikha Reer Somalia Ee Maxamed Idriis Oo Ku Taliyey In Taliyaha Sirdoonka Fahad Yaasiin La Dilo Oo Waliba Madaxa Laga Toogto

Muqdisho,October 11, 2020 (Haatufonline) – Sheekh reer Somalia ah oo lagu magacaabo Maxamed Idriis ayaa cajalad video ah oo uu ku hadlayo ku taliyey in la dilo taliyaja sirdoonka Somalia Fahad Yaasiin kaasoo uu ku tilmaamay nin dhigyo cab ah oo xidhiidh la leh argagixisada.

Sheekhu wuxu sheegay in Fahad Yaasiin uu marayo heer uu raiisalwasaaraha cusub ee Somalia Maxamed Xuseen Rooble u yeedhoo uu ku yidhaahdo “adigu xafiiskayga iigu kaalay waliba yaanay cidna kula soconin markaad imanayso”,waxaanu Sheekhu intaas ku daray in doorasho xor oo xalaal ahi ka dhici kari doonin Somalia inta uu Fahad Yaasiin noolyahay oo loo baahanyahay in la iska qabato ninkaasi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*