Latest News

Silsiladda Sahayda taakulaynta u kala gudbisa Xuutiyiinta iyo Alqaacida oo si balaadhanaysa

Haatufonline,April 20,2026

Warbixin cusub oo ay daabacday James town Foundation( Terrorism Monitor) ayaa sheegtay in Xuutiyiintu ay sii balaadhinayaan silsiladda gudbinta sahayda taakulaynta(logistics supply chain) ee u dhaxaysa iyaga iyo labada kooxood ee kala ah Alqaacidada Jasiiradda Carabta (AQAP) ee saldhiggoodu yahay Yemen iyo Alshabaab-ka ka hawlgala Somalia. Warbixintu waxay tilmaantay in iskaashiga koraya ee u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo labadan farac ee Alqaacida aanu ku koobnayn hubka yar yar balse uu ku sii socdo inay Xuutiyiintu labada koocoodba ku wareejiyaan aqoon farsamo iyo hub casri ah sida diyaaradaha drone-ka iyo agabka gantaalada taasoo hadii ay hirgasho siin doonta argagixisada awood cusub oo ay ku fuliyaan weeraro ka halis badan kuwii hore isla markaana u suuragalinaysa inay aqoontaasi cusub u gudbiyaan argagixisada ku sugan dalalka kale.

Warbixintu waxay sheegtay in baryahan danbe tahriibta qalabka diyaaradaha drone-ka iyo agabka gala gabtaalada Xuutiyiinta looga gudbinayey marin badeedyo ka talaaba xeebaha Geeska Afrika oo Alshabaab ku lug leeyihiin iyadoo xamuulka lagula kala wareego meelo ku yaala xeebaha Bariga Afrika ka hor intaan doonyo yar yar lagu gaadhsiinin xeebaha Yemen ee hoosyimaadda Xuutiyiinta

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*