Latest News

Somalia Oo Qarka U Saaran Dagaal Sakooye Yeelatana 2 Xukuumadood Iyo 2 Baarlamaan.

Muqdisho,March 28,2021(Haatufonline)-Dalka Somslia ayaa laga walaacsanyahay in 72 saacadood ee soo socda lagaga dhawaaqo 2 xukuumadood iyo 2 baaarlamaan kadib markii madaxda dalkaasi isku mari waayeen sidii loo xalilahaa khilaaf mudo dheer soo jiitamayey oo  ku saabsan habkii lagu dooran lahaa baarlamaan iyo madaxwene cusub iyadoo madaxweynehi hore ee Farmaajo iyo baarlamankiiba ay distooriyan mudadoodi damaatay 7 dii February 2021.
Hadaba waxay hadda xaaladdu maraysa in baarlamankii hore intuu bari fadhiisto Farmaajo  ugu dhawaaqo mudo kordhin 2 sanadood ah,waxaana la filayaa in marka uu shirgudoonka golahaasi ku dhawaaqo in golaha badbaadinta qarankuna ku dhawaaqo in Sheekh Sharif  Sh Axmed yahay madaxweynaha Somalia isla markaaba ay xubnaha Mucaaridka ee baarlamanki hore iyaguna ku dhawaaqaan gole baarlamasn iyo shirgudoonkiisiiba.

Dhinaca kale waxa Xamar ka socda diyaargarow ciidan oo uu wado Farmaajo ujeedadiisuna tahay sidii  loo qab qaban lahaa hogaamiyeyaasha mucaaridka isla markaana Deni iyo
Axmed Madoobe looga horjoogsan lahaa inay ka dhoofan Muqdishu dhinaca cirka iyo baddaba iyadoo mudadi ay labadaas madaxweyne goboleed ku sugnaayeen Xamar uu Farmaajo ka shaqaynayey kacdoono ka dhex qarxa Puntland iyo Jubaland oo lagaga soo horjeedo Deni iyo Madoobe.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*