Latest News

Somalia Oo Sheegtay In Cadaadis Lagu Saaray Inay Hoos U Dhigto Khilaafka Kala Dhexeeya Kenya

Muqdisho, December 21, 2020 (Haatufonline) – Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abuubakar oo ka hadlay shirkii madaxda urur gobolleedka IGAD ugu soo dhamaaday dalka Jabuuti ayaa sheegay in Soomaaliya cadaadis lagu saaaray in ay hoos u dhigto khilaafka kala dhaxeeya dalka Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkan oo hal maalin ahaa Dowladda Soomaaliya si wanaagsan ugu soo diyaar-garoowday si ay isaga difaacdo eedeymaha uga imanaya Dowladda Kenya, balse mar walba madaxda Urur gobolleedka IGAD ku dadaalayeen in khilaafka lagu dhax -xaliyo isla Ururka dhaxdiisa.

”Annaga waan aqbalnay in khilaafka hoos loo dhiggo , laakiin waxaan ku xirnay sharuud ah in la magacaabo guddi dib u eegis ku sameeya wax-yaabaha Dowladda Soomaaliya ay ka tabaneyso Dowladda Kenya ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Abuubakar ayaa sheegay in ashtakada ugu weyn ee dhinaca Dowladda Soomaaliya soo bandhigtay aheyd arrinta ku saabsan jabhada lagu tababarayo degmada Mandera oo sida uu sheegay IGAD go’aan ku gaartay in loo saaro guddi xaqiiqo raadin ah.

”Qoddobka ugu horreeya ee aan rabno in laga wadahadlo ayaa ah arintan xudduuda ka taaggan iyo dhaqdhaqaaqyada ay ka waddo dowladda Kenya, qoddobkaas ayaa muhiim inoo ahaa, wey jiraan qoddobo kale oo muhiim ah oo aan rabin in aan idila wadaago” ayuu yiri Wasiirka.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa labaduba ashtako u gudbiyay Urur gobolleedka IGAD iyadoo midba kan kale uu ku eedeeyay khilaafka taaggan oo gaaray ilaa heer safaaraddaha la kala rarto.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*