Latest News

Somalia Oo Sheegtay Inay Bilawday Diyaarado Ayax Ay Kaga Buufinayso Deegaamo Somaliland Ku Jirto

Muqdisho, May 15, 2020 (Haatuf) – Dawladda Somalia ayaa sheegtay inay diyaarado helicopters ah oo buufiya Ayax dilaacay (koronkor) kaas oo khatar ku ah dalaga, dalkan Somalia ee aadka ugu baahan raashin.

Wasiirka Beeraha Somalia, Sa’id Hussein Iid oo waraysi siiyey Idaacada VOA-da ayaa sheegay inay usoo kiraysteen khubaro Canadian ah oo Ayaxaasi ka hawlgali doona buufintiisa, isla markaana sita curisyada cayayaan dilista oo laga buufin doono dhinaca cirka, iyaga oo isticmaalaya diyaarado yaryar oo helicopters ah.

Mr Iid Wasiirka Beeraha Somalia ayaa intaasi ku daray maanta oo khamiis ahayd in dagaalkan ka dhanka ah Ayaxa Dilaacay ay maalgalinayso hay’add Maraykan ah oo ka shaqaysa dhinaca Horumarka.

Waxaanay khubaradu tilmaameen in heerarkan Ayaxa ee bilaabmay sanadkii la soo dhaafay uu yahay kii ugu darnaa ee mudo 25 sano ah ka dhaca dalalka Bariga Afrika, waxaana meelaha ay diyaaradahani ay Ayaxa ka buufiyaan ku jira Galmudug, Puntland, Jamhuuriyada Madaxbanaanideeda ku dhawaaqday ee Somaliland, sida uu sheegay Wasiirku.

Hase yeeeshee talaabadan ayaa ku soo beegmaysa xili Wasaarada Beeraha Somaliland ay Kooxo (Teams) u kala dirtay deegaamada Somaliland ee faraha baas uu ku hayo Ayaxan Koronkorka ah ee dhawaanta dilaacay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*