Latest News

Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigtay Mid Kamid Ah Shakhsiyaadka Maydha Lacagaha (Money Launder) Ka Yimaada Dowladda Qatar

Hargeysa, July 19, 2020 (Haatuf) – Sirdoonka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay 18-kii bishan mid kamid ah raga ugu sareeya ee Maydha lacagaha ka yimaado dowladda Qatar ee loo wado Al-Shabaab iyo ururka Daacish ee ka dagaalama buuraha Puntland.

Shakhsigan oo la yidhaa Cabdimanaan Yuusuf kuna dhex qariya lacagaha la dhaqayo ama la maydhayo shirkad lagu magacaabo ASTAAN TV ayaa in badan ka soo dhex muuqday warbixino sirdoonada caalamiga ahi la wadaageen dalalka Geeska Africa gaar ahaan Kenya, Ethiopia iyo Djibouti.

2009 ayay ahayd markii lagu xidhay magaalada JIG JIGA iyadoo lagu eedeeyay inuu la shaqeeyay Al-Shabaab, xiligaas oo uu ka yimid dalka Sudan oo uu wax ku baranayay, kooxda Al-shabaab wuxuu kala xidhiidhaa Xasan Afgooye oo ay wada dagnaan jireen xaafada Barmuudo ee degmada Hodan. Xasan Afgooye waa madaxa maaliyada ee kooxda Al-Shabaab, waxaana labadooda is-baray Eng Cabdilaahi Cismaan oo ka soo jeeda beesha Xawaadle, Hawiye oo ay jaamacad ka wada dhiganayeen Port Sudan.

Tiro dhowr jeer ah oo la baadhay ayuu ka been sheegay milkiilayaasha sheerka kula ah muuqaal baahiyaha ASTAAN TV, kadib baadhis xoog leh oo ay sameeyeen xeeldheerayaal amni ayaa la helay cadayma muujinaya:

Shaqsiyaadka sheerka kula ah ASTAAN TV.

Cida maalgalisay muuqaal baahiyahan.

Tiro dhowr jeer oo lacago lagu dhaqay iyo inta uu xadigeedu dhamaa.

Hawlaha Sirdoon ee qarsoon ee ay Somaliland ka dhex waday shirkadan.

Xog ay heshay shabakada Banaadir Online (SBO) ayaa tilmaamaysa in ay macquul tahay in Somaliland ay Cabdimanaan ku xukunto xabsi daa’in, kadib cadaymaha la helay oo aad halis u ah dhaawici karana daganaashaha Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*