Latest News

Somaliland Oo Soo Bandhigtay Waxtarka Siyaasadeed Ee Ay Ka Faa’iidayso Xidhiidhka Taiwan

Hargeysa, July 21, 2020 (Haatuf) – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa shaaciyey in xidhiidhka ay yeesheen dalalka Somaliland iyo Taiwan uu noqon doono mid adag oo labada dalba  ugu jirto masaalix wadajir ahi.

Wasiir Ku-xigeenka Khaarajigu wuxuu sidaas ku faahfaahiyey waraysi dheer oo uu siiyey Wargeyska Taiwan Times oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu kaga hadlay marxaladihii uu soo maray iskaashiga labada dal u bilaabmay iyo faa’iidooyinka Somaliland ugu jira iskaashiga  ay la yeelatay Taiwan.

Waraysigaasi oo aad u dheeraa waxa uu su’aalihii la weydiiyey Wasiir Ku-xigeenka ka mid ahaa:

 Cilaaqaadka Somaliland iyo Taiwan waxaa laga war helay uun saddex toddobaad ka hor ee sidee ayuu ku bilaabmay?

Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan wuxuu bilaabmay muddo hore, waxaanu soo maray marxalado kala duwan. Wuxuu ku bilowday Arrimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada. Mana ay jirin kullamo rasmi ah oo ay yeesheen  madaxda labada dal.

Waxaan kula kulmay Magaalada Brussels  Safiirka Taiwan u fadhiya  dalka Belgium sannadkii 2018kii, waxa  aanu kulankaas ku falanqeynay meelaha aanu iska kaashan karno mustaqbalka. Waxa xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan sii xoogaystay dabayaaqadii sannadkii 2019kii xilligaas oo wefti ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan uu booqasho ku yimid Hargeysa, si uu u bilaabo wadahadalka cilaaqaada  labada dal. 

Intaas kadib, 17kii January ee sannadkan 2020ka,  wefti aan hoggaaminayey ayaa booqday magaalada Taipei ee caasimadda Taiwan, si aan wadahadalka u amboqaadno.

Waxaan kullamo la yeeshay  Masuuliyiinta Taiwan oo uu ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Joseph Wu, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Iskaashiga caalamiga ah iyo sanduuqa Horumarinta Taiwan iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen madaxda dhinaca Beeraha. Markii aanu gabogabeynay heshiiska laba geesoodka ah iyo noocyada xafiisyada labada dal is dhaafsanayaan.

  Bilaha iyo Sannadaha soo socda halkee ayaad filaysaa in xidhiidhka idinka iyo Taiwan gaadho?

Waxaan rumaysan nahay in ay jirto fursad weyn oo labada dalba faa’iido ugu jirto. Taiwan waa dal horumaray oo ka faa’iidaysan kara bogcada muhiimka ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku taallo, taasi oo kadin ama marin u ah dalalka aan badda lahayn ee Afrika. Waxa kaloo ay Somaliland leedahay khayraad dihin oo aan ciddi  taaban oo ay ka mid yihiin Kalluumaysiga, Xoolaha nool iyo noocyada kala duwan ee macdanta iyo shiidaalka. Waxana  maalgashadeyaasha iyo dawladda Taiwan ay fursad u haysataan inay maalgashadaan wixii labada waddanba dan u ah. Dhinaca kalena, waxaa Somaliland ka faa’iidaysan kartaa nooca horumarka ay gaadhay Taiwan.

Waxa kaloo Somaliland ay  ka dheefi kartaa cilaaqaadka siyaasadeed ee  Taiwan, xidhiidhka ay leedahay  dalalka reer galbeedka oo uu ka mid yahay Maraykanku.

Waxaa labada dal ee Somaliland iyo Taiwan ay wadaagaan arrimaha Nabadda, Dimuqradiyadda iyo xoriyatul-qawlka, waxaannu leenahay mustaqbal cad oo faa’iido u ah labada ummaddood.

Akhristeyaasha reer Taiwan waxa ay wax badan ka baranayaan Geeska Afrika, waxaanay   ciwaannada warbaahinta ku arkeen weftiga Masar ka socda ee booqday Somaliland, Imaaraadka Carabta oo maalgelinaya Mashruuca Berbera Corridoor, arrimahaasi wax ma u dhimi karaan xidhiidhka Hargeysa iyo Taipei?

Maya, Somaliland waa dal la isku halayn karo oo nabadda jecel oo ku yaalla Geeska Afrika, waanu ilaalinaynaa danaha kala duwan ee dalalka aanu saaxiibka nahay, iyadoo aan la waxyeelaynaynin  masaalixda qaran iyo nabadgelyo ee dalalka.

Sidee baa loo soo dhaweynayaa Muwaadiniinta iyo Ganacsatada Taiwan ee soo booqanaya Somaliland?

Waxaanu ugu diyaar garownay si weyn, inaanu si diirran ugu soo dhaweynayo walaalahayga Taiwan,  mar kasta iyo meel kasta  oo Somaliland ka mid ah. waxaannu nahay dad niyadsan oo soo dhaweynta ku fiican. Markii aan tagay Taiwan waxaan soo arkay inay yihiin dad anshax leh oo xushmeeya aragtida dadka kale.

Somaliland waxa ay caan ku tahay dimuqraadiyadda, Taiwan waxa ay soo martay  xaalad adag  waxana ay labada dalba soo mareen dulmiyo isku mid ah, markaa Xukuumadda Somaliland ma u bandhigtaa  dhallinyarada iyo jiilasha cusub waxyaabihii la soo maray?

Haa, waanu barnaa day’artayada  marxaladihii qalafsanaa ee la soo maray iyo sidii aanu qarannimadayada ku soo gaadhnay. Sidaas darteed, wax baanu ka baranaa taariikhdayadii hore, si aanaan ugu talaabsan mustaqbalka khaladkaygii hore oo kale.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*