Somaliland oo si adag uga jawaabtay farogelin kaga timid dhinaca Muqdisho
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si cad u daadafaysay diidmada ka timi dawladda Soomaaliya ee ku wajahan xidhiidh Somaliland la leedahay Israa’iil, iyadoo sheegtay in go’aannada diblomaasiyadda iyo iskaashigu yihiin awood qaran oo ay Somaliland leedahay, isla markaana aanay cid kale faro-gelin karin.
Hadalkan ayaa ka dambeeyey war kasoo baxay Muqdisho oo cambaaraynayey safiir ay Israa’iil u magacowday inuu u fadhiyo dalka Somaliland, arrintaas oo xukuumadda Somaliland ku fasirtay faragelin siyaasadeed oo aan wax sal ah ku lahayn xaqa Somaliland u leedahay in ay xidhiidhadeeda dibadda si madax-bannaan u maamusho.
Somaliland waxay muujisay in xidhiidh kasta oo caalami ah oo ay raadinayso uu ku salaysan yahay danaha dalkeeda gaar ahaan iyo iskaashi laga gadho dhinacyada amniga,ganacsiga iyo arimaha horumarinta . Waxay xukuumaddu xustay in faylka aqoonsigu yahay kaadhka ugu weyn ee Somaliland ku raadinayso helitaan rasmi ah iyo iskaashi la xaqiijin karo, isla markaana aanay aqbali doonin in faylkaasi lagu weeraro hadallo siyaasadeed oo ka yimaadda dhinac aan talo ku lahayn.
Wararkan ayaa ku soo beegmaya xilli dalalka ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay ku jiraan heegan badeed iyo xiisad, taas oo quwadaha iyo shirkadaha maraakiibta ku riixaysa in ay eegaan cidda ay ku hallayn karaan ee ilaalin karta kala dambayn, dekedo habraac leh, iyo wada-shaqayn amni oo degdeg ah. Somaliland waxay doonaysaa in ay meel cad ka istaagto in isku-duwiddaas lagu saleeyo dan qaran iyo maamul-wanaag.
Waxa la sugayaa fulinta iyo natiijada ka soo baxda mowqifkan, iyo sida ay xukuumaddu u dardar gelin doonto xidhiidhada dibadda, si faylka aqoonsiga loo horumariyo.
Leave a comment