Latest News

Soomaaliya Oo Gaashaanka Ku Dhufatay Codsi Ka Yimid Kenya Oo La Xidhiidha Dacwada Dhinaca Badda Ee Maxkamadda ICJ

Muqdisho, May 16, 2020 (Haatuf) – Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu ka hadlay arrinta ku saabsan dacwadda badda ee taalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, una dhexeysa waddamada Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii warbaahintu ay sii daysay macluumaad muujinaya in xukuumadda Nairobi ay codsatay in dib loo dhigo markii seddexaad garmaqalka labada dal  sababa jiro oo hadda ay wajahayaan labada dalba dib loogu dhigo.

Mahdi Guuleed oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa waxa uu sheegay in marnaba Soomaaliya aysan aqbali Karin in kiiskaas dhageysigiisa dib loo dhigo, islamarkaana  ay ku gacan seyreen codsiga Kenya ee ahaa in sababo la xiriira xanuunka COVID-19 dartiis  dib loo madlo  garmaqalka maxkamadda.

“Waxaan doonayaa in aan iftiimiyo in dowladda Kenya ay rabtay mar walba in ay dib u dhigto, dacwadda amma ay isku daydo in meel ka baxsan maxkamadda caalamiga ah wax lagu xalliyo, innaga mowqifkeennu wuxuu yahay in mar walba maxkamadda iyo qawaaniinta caalamiga ah ee dunida ku heshiisay si nabad ah oo amni ah loogu kala baxo” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed.

Mar wax laga weydiiyay haddii Kenya ay ka cabaneyso qarashaadka ku baxaya maxkamadda iyo qareennada difaacaya, Soomaaliya oo tag ahaan ka jeeb yar Kenya, halka lacagtaas ay ka keeneyso? waxa uu ku jawaabay in arrintaasi ay sax tahay, hase-ahaatee la kari karayo ,balse Soomaaliya ay ka bixineyso miisaaniyaddeeda yar.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Kenya ay dhowr jeer isku dayday in kiiskaasi loo galo hab diblumaasi ah, sida in lagu xalliyo wada-hadal amma la geeyo meelo ay kamid tahay midowga Afrika, balse Soomaaliya taasi ay aqbali weysay.

Dhageysiga kiiska muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa loo balansanyahay 8-da Juun 2020.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*