Latest News

Sucuudiga Oo Codsi U Diray Muslimiinta Sanadkan Xajka Soo Gudanaya

Riyaad, April 1, 2020 (Haatuf) – Wasiirka Arrimaha Xajka dalka Sucuudiga, Mohammed Banten ayaa sheegay in Boqortooyada Sucuudigu ay ka walaacsan tahay badqabka xujaajta, isla markaana ay ku boorinayaan inaanay is-diiwaangalin oo ay dib u dhigaan, inta ay xaaladda cudurka coronavirus ay is-badalayso.

Laba milyan oo qof ayaa la filayaa inay u socdaalaan Makka iyo Madina bilaha July iyo August si ay usoo gutaan waajibaadka Xajka.

Muslimiinta jidh ahaan awooda ayaa hal mar soo guta waajibaadka xajka.

Halka Cumrada gabi ahaanba la hakiyey si la isugu dayo in hoos loo dhigo fiditaanka cudurka coronavirus.

Sidoo kale dadka ayaa laga joojiyey inay galaan Makka iyo Maddiina, iyo sidoo kale caasimada Riyaad, waxaanay dawladda Sucuudigu ay isku dayaysaa inaanu fidin xanuunka inkastoo laga soo sheegayo ugu yar 1,563 qof inay qaadeen xanuunkaasi, halka 10 qofna ay ku dhinteen dalkaasi.

“Sucuudi Carabiya si buuxda ayuu diyaar ugu yahay inuu u adeego xujayda iyo Cumrada dadka gudanaya xaalad kasta oo ay tahay,” ayuu yidhi Mr Banten oo la hadlayey telefishanka dalkaasi, waxaanu intaasi ku daray “Inuu Alle ka baryayo inuu ka badbaadiyo, boqortooyaduna ay u heelan tahay ilaalinta caafimaadka Muslimiinta iyo muwaadiniinteedaba.” Ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Xajka ee dalka Sucuudiga.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*