Latest News

Sudan Oo Wada-Tashi Ugu Yeedhay Safiirkii U Fadhiyey Adisababa Iyo Ciidamo Itoobiyaan Iyo Eriteriyaan Ah Oo Xadka Lasoo Dhoobay.

Kharthoum,February 28,2021(Haatufonline)-Dawladda Sudan ayaa yeedhay inuu dalka degdeg usoo galo Safiirkii u fadhiyey Adisababa.Talaabadan oo muujinaysa xidhiidhka u dhaxeeya Sudan iyo Itoobiya ee sii xumaanaya ayaa waxay xukuumadda Sudan ku macnaysay in Safiirka wada tashi loogu yeedhay taasoo ah weedh ku jirta afka diblomaasiyadda oo inta badan la isticmaalo marka laba dal ay maryo dhiig leh kala furtaan oon waxba iskugu hadhin.

Dhinaca masuiliin ka tirsan sirdoonka ciidamada Sudan ayaa xaqiijiyey warar sheegayey in Eritrea iyo Itoobiyaba ay ciidamo soo dhoobeen goob la yidhaa Umxajar oo kulmisa xadka sadexda dal.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*