Latest News

Midowga Murashaxiinta Xamar Oo U Diyaargaroobay Mudaaharaad Aan Loo Kala Hadhin Iyo Maraykanka Oo Ka Digay In Covid 19 Laga Dhigto Qiil Lagu Horjoogsado Xoriyaadka

Muqdisho,February 18,2020(Haatufonline)-Midowga murashaxiinta madaxtinimada Somalia ayaa wada hawlgal lagu abaabulayo mudaaharaad aan loo kala hadhin oo ka dhaca magaalada Xamar maalinta Jimcaha ee fooda inagu soo haysa oo lagaga soo horjeedo madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Moxamed Cabdilaahi Farmaajo ee haddana wali ku sugan Villa Somalia.

Raiisalwasaaraha Somalia Maxamed X Rooble ayaa shalay dadweynaha ugu baaqay in aanay ka qaybgalin banaanbaxaasi maa daama uu dalka ka jiro cudurka Covid 19 oo faafa taas oo uu jawaab kulul ka biciyey madaxweynihi horee Somalia Hassan Sh Maxmuud oo sheegay in hadii wax kastaa dhacaan aanay marnaba ka baaqan doonin mudaaharaadkay iclaamiyeen.

Dhinaca kale wasiirka Kaharajiga Maraykanka Antony Blinken ayaa ka digay in cudurka Covid 19 laga dhigto marmarsiiyo lagu cabudhiyo dadka oo lagaga qaado xoriyaadkooda iyo xuquuqdooda aadaminimo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*