Latest News

Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Oo Xabsi Guri La Galiyey

Hargeysa, February 15, 2022 (Haatufonline) – Wararka ka imanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in Xabsi Guri la galiyey Taliyaha Ciidanka Booliska ee dalka Jabuuti Kornayl Cabdilaahi Cabdi Faarax sida ay Sheegtay laanta Afka Soomaaliga eeBBC.

Ilaa iyo hada ma jiraan cid ka tirsan dawlada Jabuuti oo ka hadashay sababta Xabsi guriga loo galiyey taliyaha.

Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in Taliyayaasha Booliska iyo Milatariga looga shakiyay qorshe ka dhan ah madaxweyne Geelle, islamarkaana ay doonayaan in awood ciidan xukunka kaga wareejiyaan madaxweynaha muddo dheer  soo xukumayey dalkaasi.

Waxaana labada Taliye la dul dhigay ciidamada Nabadsugida iyo Ilaalada Madaxtooyada, kuwaas oo ku amray inaanay ka bixi karin guryahooda, sida ay sheegayaan warar madax banaan oo lahelayo.

Connect with us on Facebook