Latest News

Madaxweyne Biixi Oo Kulan La Yeeshay Siyaasi Ka Falaagoobay Xisbul Xaakimka Kulmiye

Hargeysa, November 15, 2022 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta kulan la yeeshay Siyaasi Maxamuud Xaashi oo hore uga falaagoobay Xisbul xaakimka Kulmiye.

Kulanka Madaxweynaha iyo Siyaasigan caanka ah ayaa la sheegay inuu ahaa kulan Albaabadu u xidhanyihiin oo Galabta ku dhex maray Guriga Madaxweyhana.

Wadahadalka Madaxweynaha iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi ayay xoguhu sheegayaan in ay soo dedejisay Arinta Furista Ururada Siyaasadda oo fursad u siinaysa Siyaasi kasta oo damac lihi in uu furan karo waqtigan Urur, sidaa darteed waxa ay xal u arkeen in ay ka heshiiyaan xanaftii siyaasadeed ee Hoggaaminta Kulmiye ka dhalatay, hase yeeshee waxa aan la ogayn in ay ku heshiin doonaan in Maxamuud Xaashi dib ugu soo noqon doono Xisbiga Kulmiye.

Connect with us on Facebook