Latest News

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Saraakiil Ka Socday Milatariga Ethiopia

Hargeysa, August 3, 2022 (Haatufonline) – Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa xafiiskiisa ku qaabiley waftigii ka socday ciidanka Fedraalka Itoobiya ee uu hor-kacayey Madaxa Wardoonka General Burhanu Kebede, kuwaas oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amni ee labada dalka ee Somaliland iyo Itoobiya.
Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil ayaa soo dhaweyn waftiga ka socda Itoobiya, waxaana uu ka waramay muhiimada iskaashiga labada dal.
Madaxa Wardoonka General Burhanu oo halkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan ee loogu sameeyey Somaliland , isagoo balan-qaaday in dawlad ahaan ay sii xoojin doonaan iskaashiga dhinacyada badan ee Itoobiya iyo Somaliland.

Connect with us on Facebook