Latest News

Xubno Ka Mid Ah Guddida Doorashooyinka Somaliland Oo Nairobi Kulan Kula Yeeshay Musharax William Ruto

Nairobi, August 6, 2022 (Haatufonline) – Gudida Doorashooyinka Somaliland oo ka mida goobjoogayaasha caalamiga ah ee doorashooyinka Kenya ayaa shir weyn la yeeshay Madaxweyne Kuxigeenka ahna Musharaxa Madaxweynenimada ee dalka Kenya Md. William Ruto.

Komishiner Xuseen Badhaani oo ka waramay nuxurka shirkaaasi ayaa yidhi “Kooxdayadan oo uu na hogaaminayey Raysal Wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Dessalegn, waxaanu saaka la shirnay Madaxweyne Kuxigeenka ahna Musharaxa Madaxweynenimada ee dalka Kenya Md. William Ruto. Halkaas oo aanu kaga xogwaraysanay habsami-usocodka doorashada, xaaladaha, caqabadaha, iyo cabashooyinka jira, sidoo kale na aanu weydiinay aqbalaada Natiijada doorashada dhankiisa”.

Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa ka mida waddamada caalamka ee kormeeraya qaabka ay u dhacayso doorashooyinkani.

Connect with us on Facebook