Latest News

Touchroad Oo Mashaariic Mudakar Ah Ka Fulinaysa Djibouti Iyo Suaasha Hortaala

Shirkadda Touchroad ee laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa Djibouti ka wadda mashaariic muhiim ah oo door ah. Sida uu Guddoomiyaha Touchroad Dr He uu dhawaan ku sheegay bartiisa X (Twitter), waxa mashaariicdaasi ka mid ah dhamaystirka dhismaha xarun gaar ah oo la yidhaahdo “Aagga Ganacsiga Ee Ka Caaggan Cashuuraha” (Touchroad Djibouti Special Economic Zone) kaasoo yeelan doona guryo filooyin ah,Fooqyo,Xafiisyo,moolal laga dukamaysto,hotelo,macradyo,dugsiyo iyo cusbitaal caalamiya.
Waxa isna xiiso leh mashruuc lagu dhisayo magaalo cusub oo lagu kordhinayo magaalada wayn ee Djibouti.
Dr He waxa kale oo u sheegay inay wadaan mashruuc lagu dhisayo saldhig ganacsi oo laga cirbixin doono satalaaydyada loo diro hawada sare kaas oo laga hirgalin doono Obokh.
La iskuma hayo baahida ay Djibouti u qabto in laga hirgaliyo mashaariicddan mudakarka ah laakiin waxay suaali ka taagan tahay tiro intee leeg oo shaqaale iyo farsamayaqaano Djiboutiyaan ah ayey shirkadda Touchroad ka qaybgalin doontaa mashaariicda ay Djibouti ka waddo ?
Suaashan waxa meesha keenaya shirkadaha Shiinaha oo inta badan looga bartay inay soo ka xaystaan shaqaalahooda min kuuliga ilaa injineerka oo iyagu isku koobaan mashaariicda ay fulinayaan oo xataa aanay suuqa wax ka iibsan iyadoo ay shaqola’aan baahsani ka jirto dalka ay mashaariicda ka hirgalinayaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*