Latest News

Tripoli: 30 Qof Oo Ku Dhintay Weerar Lagu Qaaday Akadamiyad Milatari

Tripoli, (Haatuf) – Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay iyo 33 kale oo ku dhaawacmay weerar lagu qaaday Akadamiyad milatari oo ku taala caasimada dalka Libya, sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka ee dawlada fadhigeedu yahay Tripoli.

Weerarka ayaa dhacay Sabtidii, xili ay isku soo urureen ciidamada la tababaray wax yar uun ka hor intii aanay qolalkooda kala tagin, sida uu sheegay Amin al-Hashemi, oo ah afhayeenka wasaarada caafimaadka ee dawladda Qaramada Midoobay ay aqoonsan tahay (GNA).

“Ilaha caafimaadka [ee isbitaallada dadweynaha] waxay sheegeen inay aad ugu adkeyd inay aqoonsadaan maydadka dhibanayaashan maadaama oo badankood ayaa ku gubtay ama kala dillaacay weerarka.

Waxaanay inta badan dhibanayaashu ahaayeen arday millatari oo ka kala yimid magaalooyinka kala duwan ee Liibiya, kuwaasoo da’doodu u dhaxayso 18 iyo 22.

Tan iyo bishii April, GNA-ga fadhigiisu yahay Tripoli ayaa waxa soo food saartay weerar uu ku kacay taliyihii millatariga ka noqdey ee Khalifa Haftar ee isbahaysiga u leh Ciidanka Qaranka Liibiya (LNA), kaas oo la midoobay dowlad la tartamaysa oo fadhigeedu yahay bariga dalka.

Waxa sii kordhayay weerarada cirka iyo duqeymaha ka dhaca agagaarka Tripoli todobaadyadii la soo dhaafay, iyada oo laga cabsi qabo in dagaalku ka sii daato ka dib markii baarlamaanka Turkiga uu u codeeyay in la oggolaado in la keeno ciidamo kaabaya oo taageeraya Dawladda Liibiya.

Ciidamada xulafada la ah GNA ayaa ku tilmaamay weerarkii Sabtidii lagu qaaday xerada milatariga ee Al-Hadhba mid “duqeymo circa ah” oo ay bilaabeen kuwa ay is hayaan. Afayeen u hadlay LNA ayaa beeniyay ku lug lahaanshaha.

Wasiirka Caafimaadka dawladda Liibiya, Xamiid bin Cumar ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in tirada dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay wali sii kordhayaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*