Latest News

Turkiga Oo Xili Uu Murankii Doorashadu Taaganyahay Farmaajo Ku Caawisay Kun Qori Iyo Sagaashan Kunoo Rasaas Ah

Muqdisho,April,2021(Haatufonline)-Sida ku cad waraaqo laga helay hayadda Qaramada Midoobay dawladda Turkiga ayaa bishii December 2020 maamulkii Farmaajo gacanta ka galisay 1000 qori oo Turkiga lagu sameeyo oo la yidhaahdo G3 iyo rasaadtoodii oo sagaashan kun oo xabadood ah.
Dawladda Turkiga waxa sheegtay inay qoryahaas iyo radaastaasi ugu deeqday ciidanka Harimacad waxaanay qoraalka ay ku socodsiisay Qarmada Midoobay oo uu saxeexay Gashaanle Axmet Actan ku warbixisay in rasaasta lagu hayn doono xerada ciidanka Turkiga ee Muqdisho.
Bixinta hubkan ayuu Turkigu kusoo beegay xili uu murankii ugu xumaa ka taagna doorashadi Somalia.Dawladda Turkiga iyo Qadar ayaa ka mid ah dawladaha faro ku tiriska ee taageeray mudo kordhintii Farmaajo ee qayrul distooriga ahaeyd.

Hasayeshee qoryaha iyo raasaastiiba waxa loo qaybiyey ciidanka Harimacad iyo viidan beeleed ku sugan gobolka Gedo.

Connect with us on Facebook