Latest News

Waqtiga Rooble Xilka Laga Qaadaya Maaha Sabtida Ee Waa mudo Gaaban Kadib

Muqdisho,April 28,2021(Haatufonline)-Madaxa hayadda sirdoonka Simalia Fahad Yaasiin oo ah qofka ugu dhaw ee Maxamad Cabdilaahi Farmaajo talada ka qaato ayaa xalay nidar ku maray inuu raaisal wasaare Xuseen Rooble xilka ka xayuubiyo.Fahad Yaasiin ayaa aad uga cadhooday go’aanki uu Rooble gaadhay ee uu taageeradii kala noqday muddo kordhinti Farmaajo taasoo uqaadan waa ku noqotay.

Ilo looga qaateen ah oo ku dhaw dhaw Fahad Yaasiin ayaa sheegay in waqtiga uu Fahad Yaasiin doonayo in Farmaajo xilka ka xayuubiyo Rooble aanu ahayn Sabtida soo socota balse uu ku beegnaan doono mudo yar kadib iyadoo intaan xiligaas la gaadhin uu Fahad Yaasiin kasii shaqeyn doono sidii qof kale oo Abgaal ah loogu badali lahaa.

Fahad Yaasiin oo ahaa ninkii Rooble u geeyey Farmaajo si looga dhigo raiisal wasaare ayaa u tirinaya inuu khiyaameeyey .

Connect with us on Facebook