Latest News

Tuulo Ku Taala Dalka India Oo Looga Duceeyey Murashaxa Xisbiga Dimuqraadiga Ee Jagada Madaxweyne Ku Xigeenka Kamala Harris Inay Ku Guulaysato Doorashada MadaxtinimadaEe Maanta Ka Dhacaysa Dalka Maraykanka

WASHINGTON, DC - JANUARY 21: U.S. Sen. Kamala Harris (D-CA) speaks to reporters after announcing her candidacy for President of the United States, at Howard University, her alma mater, on January 21, 2019 in Washington, DC. Harris is the first African-American woman to announce a run for the White House in 2020. (Photo by Al Drago/Getty Images)

Chennai,November 3,2020(Haatufonline)-Tuulada la yidhaahdo Thulasendrapuram oo ku taala koonfurta dalka India ayaa maanta looga duceeyey haweenayda Kamila Harris oo ah murashaxa xisbiga Dimuqraadiga ee jagada madaxweyne ku xigeenka inay ku guulaysato doorashada madaxtinimada ee maanta ka dhacaysa dalka Maraykanka.

Kamala Harris oo ka mid ah Maraykanka madow ee asal ahaan kasoo jeeda Afrika ayaa waxay murashax ku xigeen u tahay Joe Biden oo ah murashaxa madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga.Kamala Harris waxa iska dhalay hooyo reer India ah iyo aabo reer Jamaica oo isguursaday iyagoo wax ka wada dhigta Jaamacad ku taal dalka Maraykanka halkaas oo ay ku dhalatay Kamala Harris.

Hadaba Thulasendrapuram oo ah tuuladi awowgeed hooyo ku dhashay oo gaadigu sideed saacadood ku gaadho marka la safro magaalada weyn ee Chennai ayaa saaka la isugu yimid si loogu duceeyo Kamala Harris inay ku guulaysato doorashada iyadoo tuuladan uu awowgeed ku dhashay 100 sano ka hor lagu qiyaasay inay 8000 mayl u jirto Aqalka Cad ee Maraykanka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*