Latest News

Ujeedooyinkii Yuusuf Garaad Loo Magacaabay Oo Tii Kowaad Durtaba Fashilantay

Muqdisho, December 6, 2020 (Haatufonline) – Ujeedooyin dhawr oo maamulka VillaSomalia Yuusuf Garaad u magacaabay inuu noqdo ergayga Somalia ee arimaha Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas ayaa tii ugu horaysay fashilantay markii uu Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysaa Jimcihii doraad muddo 12 bilood oo kale cusboonaysiiyey hawlgalkii la dagaalanka budhacad badeedka ee laga waday biyaha badda ee Somaalida.

Hadaba maamulka VillaSomalia ayaa isagu damacsanaa in aan hawlgalka caalamiga ah ee la dagaalanka budhcad badeeda ee ay iyadu la wareegto oo lagu taakuleeyo iyadoo ku dacwiyeysa in falalkii budhcadbadeednimadu ay istaageen oo sanadkan 2020 aanay jirin maraakiib la afuduubay ama xata la isku dayey in la afduubo haba yaaraate,sidaas darteena in aan loo baahnayn ciidamada farahabadan ee ku sugan badda ku dhaw Somalia si ay uga ilaaliyaan budhcadnimada.VillaSomalia ayaa waxay ku doodaysay in ciidamada badda ee Somalia ee ku filanyihiin hawsha la dagaalanka badhcadbadeeda balse ay u baahanyihiin uun qalabeyn,tababar iyo taakulayn farsamo.Qancinta dawladaha waaweyn iyo kuwa kale ee xubnaha ka ah Golaha Ammanka ayaa waxa lagu halaynayey inuu door weyn ka qaato Yuusuf Garaad oo todobaadkii hore Farmaajo u magacaabay ergayga gaarka ah ee arimaha gacanka cadmeed iyo badda cas.

Golaha Ammaanku wuxu qaraarkiisa cusboonaysiiinta ku saleeyey khasaaraha iyo khalkhalka ku dhici kara ganacsiga caalamka hadiiba uu fal kaliya oo budhcadbadeednimo ahi dhaco in aan laga soo waaqsan doonin muddo dheer taasoo aan hadda lagu khamaari karin in lasoo afjaro hawlgalka caalamiga ah ee la dagaalanka budhcad badeedda.

Magacaabista Yuusuf Garaad ayaa sida la sheegay ku lug laheyd arimo kale oo la filaayey in VillaSomalia iyo dawlado kale ka hirgaliyaan biyaha badda ku beegan xeebaha Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*