Latest News

Waa Maxay Sababta Uu Xidiga Liverpool Maxamad Salaax Xidhiidhkii Ugu jaray Saaxiibkii Alneni

Liverpool,April 16,2023(Haatufonline)-Xidiga Liverpool Maxamad Salaax ayaa lumiyey darbad rigoore ah ( penalty) oo uu ku laadayey goolwalaha kooxda Arsenal ciyaartii Isniintii dhawaayd labada kooxood ku dhex martay garoonka Anfield ee naadiga Liverpool.
Hadaba Maxamad Salaax oo marki uu kubadii la waayey goolkii cadho iyo khajilaadii la suuxsan ayaa waxa uu arkay saaxiibkii Maxamad Alneni oo u ciyaara Arsenal oo bogaadinaya goolwalaha kooxdiisa Aaron Ramsdale taasooo uu Maxamad Saalax u qaatay in saaxikii Alneni uu ku tiiq tiiq sanayo waxaanu xanaaqii kala noday following-kii barta Instagram-ka isla markaana waxa uu Salaax tirtiray sawiradii ay ku wada jireen ee Instagram-ka.
Alneni ayaa isaguna iska tirtiray following kii Salaax.

Salaax iyo Alneni ayaa waxay labaduba u ciyaaraan xulka dalkooda Masar.
Ciyaartii Isninti oo ku dhamaatay 2 : 2 ayaa hadii uu Salaax penalty gii dhalin lahaa ay guusho raaci lahayd Liverpooll.

A

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*