Latest News

Wahaabiyaddu Maxay Ku Khaldantahay?

Hargeysa, March 22, 2021(Haatufonline)-Waraysi aanu la yeelanay Aqoonyahan Maxamed Cabdi Daauud waxa uu kaga waramay taarrikhdii manhajka Wahaabiyadda ee kasoo tafiirmay mad-habka Xanbaliga,sidii u u xoogaystay iyo sidii uu kusoo galay cariga Soomaalida.Wuxu sheegaya in mahajkani soo baxay qarnigii 18 balse xiliyadan dambe ay Sucuudiga iyo Maraykankuba Wahaabiyadda u adeegsadeen la dagaalankii Shuuciyadda,dagaalkii Afgaanistaan iyo ka-hortagga kacdoonkii Aayatula Khumayni inuu ku fido dalalka Khaliijka iyo guud ahaan dalalka Muslimka oo dhan.
Qoraaga oo muddo dheer darsayey manhajka Wahaabiyadda Sucuudigana 20 sanadood ku noolaa ayaa waxa uu xusaya in cidda dhulka Soomaalida loo soo diray inay Wahaabiyadda ku beeraan aheyd ururkii Al-Itixaad waxaana jirtaybu yidhi caruur farabadan oo loo diray Iskuulada iyo Jaamacadaha Sucuudiga si loo soo baro caqiidada Wahaabiyadda oo ay u faafiyaan ku dhaqankeeda kadib markay dalkooda kusoo noqdaan iyadoo mudada ay Sucuudiga joogaan iyo markay kasoo laabtaanba lacag la siin jiray.
Maxamad Cabdi Daauud oo in badan ka hadli jiray qaladaatka dhinaca diinta ah ee Wahaabiyaddu xambaarsantahay ayaa waxa uu sharax dheer ka bixinaya faraqa iyo khilaafka soo dhex galay diinta Islaamka,halkii uu ka yimid iyo waxa uu ku salaysanyahay.
Ugu dambayn waxa uu dhalinyaradii soo qaatay manhajkaa iyo raggi waaweynaa ee ka dambeeyey ee dirayba ugu baaqayaa inay Ilaahay u toobbad keenaan oo ay diinti saxa aheyd usoo noqdaan.

Connect with us on Facebook

Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial