Latest News

Wargayska Al-Rakouba Ee Kasoo Baxa Soodaan Oo Sheegay In Kumanaan Ka Mid Ah Ciidamada Itoobiya Ay Isu Dhiibeen Ciidamada Soodaan Kadib Markii Ay Dagaalo Dhexmareen Ciidanka Tigrayga

Qadaarif,November 9,2020(Haatufonline)-Kumanaan ka mid ah ciidamada dalka Itoobiya ayaa magansaday ciidamada dalka Soodaan ee ku sugan xadka u dhaxeeya labada dal waxaanay ka dalbadeen inay amaankooda ilaaliyaan ka dib markii ay ciidanka gobolka Tigray oo dagaalo dhexmareen ay ka qabsadeen xeryihii ay deganaayeen.

Wargeyska Al-Rakouba ee kasoo baxa dalka Soodaan oo warkan soo tabiyey ayaa waxa ķale oo uu sheegay in ciidamada Itoobiya e firxadka ahaa ay dalbadeen inay soo galaan gobolka Qadaarif ee dhinaca xadka Soodaan si ay isu badbaadiyaan.Wargeyska oo soo xigta ilo ku sugan gobolka Qadaarif ayaa waxa uu intaas ku daray in ciidamada Tigraygu ay gacanta ku wada dhigeen dhammaan saldhigyadi ciidamada Itoobiya ee ku yaala dhinaca Soodaan hal saldhig mooyaane.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*